UUR DOOX (Q.1-aad) | W.Q Sheikh Cabdiraxmaan Sheikh Cumar.

Allaa mahad leh, ammaan oo idilna Ilaah ayaa iska leh, qofkuu hanuuniyo ayaa hanuunsan, ninkuu lumiyana wax hanuunin karaa ma jiraan. Taxanahan oo aan u bixiyay UUR DOOX waa mid aan uga hadli doono (hadduu Alle idmo) Mashruuca Islamiga ee Soomaaliya oo nin waliba wadaantiisa u ritay oo sheeganayo in uu isagu leeyahay; mashruucan ciddii sheegatana ay sheegad tahay, ninkii ka hadlana uu gaalnimo ku xukumanyahay, ka dibna dil aan naxariis laheeyn oo ay fulinayaan rag aan amar diidin wixii la farayana fuliya, iyagoo Ilaah ugu dhawaanaya dilka culimada iyo hogaankii mashruuca Islaamiga ee Soomaaliya iyo dadkii bud dhiga u ahaa sida; Sheikh Dr. Axmed Xaji Cabdiraxman Allaah jannadiisa ha ka waraabiyee.

Dilka Sheikh Axmed wuxuu leeyahay tusmooyin aad u badan oo ay ka mid tahay kala go’a ku dhacay mashruucii Islaamiga ahaa iyo dadkiisii, iyo afgambiga dhiigga ku daatay ee ku dhacay dacwadii iyo dadkeeda. Waxaan aaminsanahay meelkasta ha lala aadee ninka dilay Sheikh Axmed X.cabdiraxman in uu ahaa nin u dilay manhaj uu aaminsanaa, qabiilkuu doona ha u dhashee, sababab kastana ha loo sheegee. Marin habaabinta waa ka qayb qaadasho dilka dulmiga ah sida sagaalkii mujrimiinta ahaa ee u tashaday Nabi Saalax oo yidhi sida Allah noo sheegay: waxaan miraynaa isaga iyo reerkiisa habeennimo waxaanan dhihi doon naa ma arag meeshii ku halaagsamay. Allaah wuxuu ku tilmaamay shirqoolkii ugu xumaa ,Wuxuu Allah yidhi “anna waa shir qoolay fiiriya sidaan u burburiyay.” Dhiigga sh.Axmed meel cidla ah dhici maayo insha Allaah .

Maqaalkan aan u bixiyey UUR DOOX waxaan ula jeedaa bal in aan is baro mashruuca Islaamiga iyo dadka qoriga heeysta oo aan waxba kala soconin mashruucaan, wixii loo akhriyay ama loo sheegay labaatankii sano ee dagaalka sokeeye ma ahee oo u haysta in mashruucan uu kasoo billaawday waqtiga uu indhaha ku kala qaaday. Waxaan rabaa in aan akhristayaasha sharafta leh u qoro mashruucan meeshuu kasoo bilawday, iyo halka uu marayo si ay u yeeshaan aragti wayn una yeeshaan qiimayn wayn iyo go’aan wayn. Ummmaddoo dhan waxay galeen xaalad cabsi leh oo qofkii hadlo la yidhaahdo waa gaaloobay, ama gaaladuu la jiraa. Ciddii gaalo ku shaqeeysaneeyso waa la ogaan doonaaye bal aan qorno taariikhda mashruucan Islaamiga ah si aan u fahanno meesha aan joogno.

Dhaqdhaqaaqa Islaamka oo muddo ku hoos noolaa dhib, aadna loo cadaadin jiray ayaa wuxuu ku koray in wax kasta laga aamuso; taasoo keentay in ay dad qoraan wax aan sal iyo raad lahayn oo dadka ku sumeeyaan. UURDOOX lasoco si aad wax badan u ogaato oo ku saabsan mashruuca Islaamka ee aan lagaa xigin, hana ka cabsan in aad akhriso meel kasta oo aad joogto, cabsi galinta ma ahan manhajka Islaamka, ee Islaamku waa qanaaco, faham iyo rumayn.

Waxaa la yiri ninkii la dhihi jiray Xajaaj ibnu Yusuf oo ku caan baxay in uu dadka cabsi galiyo oo dilo qofkii hadal ku soo celiya, ilaa uu ku yiri khudbadiisii u horreeysay markuu xilka qabtay: ”wallaahi ninkaan iraahdo iriddaa ka bax oo tan ku dhaggan ka baxo waa dilayaa” dad badan oo ah culimadii joogtay waqtigaana laayey ilaa wax hadlo la waayey balad iyo baadiyaba. Waxay noqotay in uu qof waliba is barbardhigo dhiigiisa oo la daadiyo iyo in uu aamuso. Waxaa la yidhi Xajaaj ayaa wuxuu u aaday ugaarsi (dalxiis) baadiyaha, markaasuu la kulmay nin caaqil ah oo kamid ah odaayaashii baaddiyaha, markaasuu la sheekeey stay, wareeysigii ayuu kusoo daray bal kawaran Xajaaj binu Yuusuf Athaqafi? markaasuu yidhi nacalad alla ha ku ridee dadkii waa dhameeyay, illaahay ha na dhaafiyo, culimadii oo dhan waa dhameeyay, wax soohadhay dadkii fiicnaa ma jiraan, waa daalim Allaah ayaa nagu salliday. Markuu hadalkii dhameeystay ayuu ku yidhi.

Aniga yaan ahay ma garanaysaa ? wuxuu yidhi maya, wuxuu yidhi waxaan ahay Xajaaj Ibnu Yusuf, wuxuu yidhi odaygii isagoo aad u argagaxay siduu ku badbaadi lahaana ka fakaraya, aniga ma I taqaan? Xajaaj ayaa yidhi maya” waxaan ahay ninka waalan ee reer hebel, waxaan qallalaa (suuxaa) maalintii afar jeer”. Xajaaj intuu fiiriyey ayuu ka tagay, sidaasna waxaa ku badbaaday dhiiggii ninkaa. Sheekadan waxaan ku keenay qiso uu ii sheegay Allaha u naxariistee Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxman, wuxuu ii sheegay mar uu la kulmay oday soomaaliyeed in uu ku yidhi:” War wadaadadiinna dadkii waa dhameeyseen ummaddiina waxba kama aydaan reebin xaggee wax ku wadaan?, isagoo hadalkii wado ayuu arkay wiil yar oo si xun u soo fiirinayo markaasuu yiri “maandhow wax fiicanna waa leeyihiin ayaa la yidhi”.

Mashruuca Islaamka ee Soomaaliya wuxuu soo socday muddo ku dhow nus qarni (50 sano) taasoo marba meel lagasoo dhiraan dhiranayey, si looga gudbo marxaladdaan ay umadda mareeyso iyadoo Islaamka xaggiisa loo socdo. Culimmada Islaamkana wixii ay galaafato ma ahee inta kale ay marada u babiyaan, si ay ugu hogaamiyaan ugana leexan wadada toosan oo siduu Nabiga sheegay scw haysigeeda uu lamid noqon doono qof gacmaha ku haysta dhuxulo nool.

Lagasoo billaabo qaybsigii dunida Muslinka iyo dhiciddii khilaafadii Islaamka waxay reer galbeedka iyo barigaba ku heshiiyeen in ay aad u fogeeyaan diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda, dadkeedana maskaxda looga duulo, ciidan ahaanna loo qabsado. Waxaa diintii laga fogeeyey Siyaasadda ,tacliinta, suugaanta iyo wax waliba oo la xiriira nolosha. Ilaa uu yiraahdo Baadari la yidhaahdo Zuweeymar madaxna u ahaa hay’adaha ku faafiya kiristaannimada dalalka muslimiinta “ Islam is a dying religion” oo macnaheedu yahay Islaamku waa diin sii dhimaneeysa.

Waxaa indhaha lagu soo kala qaaday iyadoo Masaajidda inta ku tukanaysa uu afartan jir u yaryahay, nin tacliin dhigtana uu wax diin ah ku shaqo lahayn, haddii saan saan keeda lagu arkana lagu cambaareeyo, si uu isaga fogeeyo. Waxaan xusuustaa Iskuulka markii aan damcay in la I geeyo aabahay oo kamid ahaa culimmadii waaweeyneeyd oo xer badan wax baraayay, wuxuu I yidhi ilmo aan dhalay Iskuul ma geeynayo aabo Iskuul ma ahee waa” Isqool”. Waxay ahayd runtiis maxaayeelay wuxuu arkayey ilmihii loo diray wadamada yurub iyo maraykanka oo soo noqday iyagoo aan diin lahayn oo xambaarsan risaaladda gaaleey siinta oo raba dadka in laga xoreeyo diinta. Si kastaba ha noqotee adeerkay ayaa Iskuulkii I geeyay dugsiga hoose ee Buunda weeyn ee magaalada Balled-Wayne, oo uu dhisay Talyaaniga walina wax lagu barto. Waxaa wax lagu baranjiray fasalka afraad iyo wixii ka korreeya Af-Talyaani wixii ka hooseeyana Af-Carabi. Inta aan ku maqanahay Iskuulka ma ahee inta kale waxaan ka mid ahay xerta aabahay raxmaddii janno alla hasiiyee. Iskuulka inta aan dhiganaynay waxaa magacayga ka xoogbadiyey “wadaad” oo markaa ninka la yidhaahdo uu ka xishoonjiray in loogu yeero. Waxa wadaad loo leeyahay waxaa loo sheegayaa in aanay haboonayn isagoo waxbarasho ku jiro in ay ka muuqato astaan diimeed sida salaadda, maanta halkaas ha noo joogo maqaalkan ararta ah.

Qore: Sheikh Cabdiraxman Sheikh Cumar

This entry was posted in news. Bookmark the permalink.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>